Waxaa la dallacsiiyay afhayeenka ciidamada booliska dalka Bruno Shioso oo laga dhigay ku xigeenka taliyaha guud ee booliska.
Arrintan ayuu u xaqiijiyay idaacadda Capital oo uu u warramay.
Shioso ayaa go’aanka lagu dallacsiiyay ku tilmaamay mid caddeyn u ah sida dowladdu ay ugu qanacsan tahay waxqabadkiisa.
Waxaa uu ballanqaaday inuu sameyn doono inta awoodiisa ah si uu uga soo baxo xilka cusub ee loo igmaday.
Hasa ahaate Bruno Shioso ayaa sidoo kale weli sii ahaan doono afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska xilkan oo loo magacaabay bishii Siddeedaad ee sanadkii hore xilligaasi oo uu beddelay Charles Owino.