EACC oo doonaysa inay la wareegto hantida sarkaal u shaqeyn jiray Taita Taveta

0
361

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad ka dhan ah sarkaal horay ugu shaqeyn jiray dowladda ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta .
Geoffrey Kimonge Mbogho ayaa ahaa la taliyihii arrimaha siyaasadda ee guddoomiyihii dowlad deegaankaasi John Mruttu.
EACC ayaa codsanaysa in maxkamadda ay siiso amar ay kula wareegi karto hanti qiimaheedu yahay13.9 milyan oo uu leeyahay Geoffrey Kimonge.
Guddiga ayaa sida uu sheegay baaritaano uu sameeyay ku ogaaday in mas’uulkan hore uu lacagta ku helay qaab khiyaano ah intii u dhexeysay bishii 11-aad ee sanadkii 2015 iyo bishii Shanaad ee 2017.