Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Hal qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada Nairobi Expressway

Hal qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada Nairobi Expressway

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal qof iyadoo dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib shil xalay ka dhacay waddada Nairobi expressway gaar ahaan goobta lacagaha lagu bixiyo ee Mlolongo Toll station.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay abaare 10-kii habeenimo ee xalay.
Shilka ayaa u dhexeyay dhowr baabuur ah sida laga soo xigtay maamulka qaran ee waddooyinka waawayn ee (KeNHA).
Maamulka ayaa sheegay in gaari si xowli ah loo kaxeynayay oo ka baxayay goobta uu baabuur kale ku dhacay.
KeNHA ayaa bayaan ku sheegtay in halkaasi uu ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha xarunta lacag bixinta marka laga soo tago gaadiidley kale oo aan weli tiradoodu la shaacin.
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaallada waddadaasi u dhow oo hadda la daaweeynaya.
Hasa ahaate maamulka qaran ee waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa shaaciyay in la xiray qaybta laga baxo ee xarunta Mlolongo Toll station.
Maamulka ayaa gaadiidleyda ku wargeliyay inuu qaadayo tallaabooyin looga hor tagaya shilka xalay dhacay oo kale.
Sidoo kale wadayaasha baabuurta ayaa lagu boorriyay in waddadaasi dhawaan la dhisay aynan si xowli ah gawaarida ugu kaxeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments