Madaxweynaha dalka oo soo gabagabeeyay safarkiisi Rwanda

0
358

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa soo gabagabeeyay safar uu ku tagay dalka Rwanda.
Waxaa uu caasimadda wadankaasi ee Kigali uga qayb galay shirka 26-aad ee hoggaamiyaasha dalalka barwaaqa sooranka ee Commonwealth.
Madaxda ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay sida 54-ta xubnood ee dalladdan ay iskaga kaashan karaan in laga soo kabto saameynta ka dhalatay cudurka COVID-19.
Sidoo kale waxay soo jeediyeen in iskaashi hoose uu dhex maro waaxyaha dowladda iyo kuwa gaarka ah si dhallinyarada loogu abuuro fursado shaqo iyadoo laga faa’iidaysanaya horumarka tiknolojiyadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here