Safiirka dowladda federaalka Soomaaliya ku matalo boqortooyada Ingiriiska Cabdiqaadir Xaaji Axmad Kheyr ayaa kormeer ku tagay mid ka mid ah xabsiyada ku yaalla Ingiriiska oo ay ku jiraan dhallinyaro soomaaliyeed oo loo haysto dembiyo kala duwan.
Ka dib markii uu kormeerka soo idlaaday ayuu danjiraha Soomaaliya ee UK la hadlay warbaahinta isagoo ka war bixinaya waxyaabihii uu halkaasi ku soo arkay.