COTU oo ku baaqday in la taageero hindise sharciyeed ka dhan ah anshax xumada

0
413

Daladda ururada shaqaalaha ee COTU ayaa shacabka ugu baaqday in ay taageeraan hindisaha lagu doonayo in dembi looga dhigo soo bandhigidda iyo faafinta muuqaallada anshaxa xumada ah.
Xoghayaha guud ee COTU ,Francis Atwoli ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in hindisaha xildhibaan Aadan Barre Ducalae uu ka turjumaya arrin bulshadu ay walaac ka muujinayso.
Wuxuu sheegay in dhibaatadan aynan ahayn mid dhallinyarada saameynaysa oo keliya balse si guud u dhaawacaysa jiritaanka bulshada.
Madaxa COTU ayaa dhammaan xubnaha baarlamaanka ka codsaday in ay soo jeedintan garab siiyaan si loo meel mariyo