Madaxweynaha dalka oo safar ku tagay Rwanda

0
545

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa gaaray caasimadda dalka Rwanda ee Kigali.
Waxaa uu halkaasi uga qayb geli doonaa kulanka guud ee 26-aad ee hoggaamiyaasha waddamada barwaaqa sooranka ee Commonwealth (CHOGM).
Mr. Kenyatta waxaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee Kigali International Airport ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Rwanda , wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Raychelle Omamo iyo danjiraha Kenya ee Ingiriiska Manoah Esipisu.
Ambasadoor Omamo ayaa madaxweynaha ugu sii horreysay safarka uu ku tagay Kigali waxayna ka qayb gashay kulanka wasiirrada arrimaha dibadda.
Shirka uu madaxweynaha ka qayb galaya ee sanadkan ayaa waxaa isugu imaanaya wufuud matalaysa 54-ka dal ee xubnaha ka ah Commonwealth si ay uga wada hadlaan la tacaalidda arrimo caalami ah iyo waxyaabaha ay dalladdan mudnaanta koowaad siiso.
Hal ku dhigga kulanka ayaa ah ‘Delivering a common future, connecting, innovating, transforming’ oo ay micnaheedu tahay in la gaaro mustaqbal loo siman yahay, isku xir, hal abuur iyo isbeddel.
In ka badan 5,000 oo qof oo ka kala socdo dowlado , shirkadaha ganacsiga iyo ururrada bulshada ayaa madashaasi ku wada hadlaya.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tan iyo Isniintii, madaxda Commonwealth ay ku qulqulayeen caasimadda Rwanda.
Shirkan ayuu qorshuhu ahaa in la qabto sanadkii 2020-kii balse labo mar ayaa dib loo dhigay saameynta cudurka COVID-19 awgeed.
Madaxda kale ee kulanka ka qayb galaya waxaa ka mid ah Amiirka Wales Prince Charles oo matalaya boqoradda Britain, Queen Elizabeth, ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau, dhigiisa Ingiriiska Boris Johnson , madaxweynaha Nigeria Muxammadu Buhari, dhigiisa Uganda Yoweri Museveni , madaxweynaha Namibia Hage Geingob iyo mas’uuliyiin kale oo badan.