Maraykanka oo taageero dheeraad ah siinaya Ukraine

0
402

Dowladda Maraykanka ayaa taageero militari oo dheeraad ah oo gaaraysa 450 milyan oo doolar siinaysa dowladda Ukraine.
Waxaa taageerada qayb ka ah hannaanka gantaallada ee riddada dhexe ah.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in ciidamada dowladda Ruushka looga hor istaago inay horumar ka gaaraan duullaanka ay ka wadaan Ukraine oo soo billowday 24-kii bishii Labaad ee sanadkan.
Taliyaha ciidamada badda ee Maraykanka oo u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaasi Anton Semelroth ayaa arrimahan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay in gurmadka loo fidinaya Ukraine ay ka mid tahay in lagu wareejiyo afar ah hannaanka culus ee lagu qaado gantaallada ee HIMARS, tani oo laba jibbaari doonto tirada ay hadda xukuumadda Kyiv haysato.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada Ukraine ay hadda qaadanayaan tababarro ku aaddan sida ay hubkan u isticmaali karaan.
Maraykanka ayaa sidoo kale Ukraine ku wareejinaya 18 oo ah baabuurta taktikada ee dagaalka iyo 18 ah doomaha roondada ka sameeya xeebaha.
Taageerada xukuumadda Washington ee Ukraine waxaa ka mid ah in dowladda dalkaasi la siiyo kumanaan ah mashiinnada hubka , hannaanka lagu tuuro bambooyinka, xirmooyin rasaas ah,qalabka baabuurta iyo agab kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here