Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa casuumaad uu fidiyay afarta musharrax ee u taagan xilka madaxtinnimo ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Kulankan ayaa looga hadlaya diiwaanka codbixiyeyaasha.
Casuumadda uu guddiga doorashada u fidiyay musharraxiinta madaxweyne ayaa ku soo aadeyso iyadoo ay jiraan walaacyo badan oo laga muujiyay u diyaar garowga maareynta doorashada.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galaya madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto, Raila Odinga (Azimio), George Wajacoyah (xisbiga Roots Party) iyo David Mwaure ( xisbiga Agano Party).
IEBC ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee laga hadli doono ku sheegtay diiwaanka codbixiyeyaasha ee daabacan ,dariiqa natiijada doorashada iyo iswaafajinta jadwalka ololaha ee musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha.