Ruto oo ballanqaaday inuu dib u eegis ku sameyn doona manhajka CBC

0
253

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa soo dhaweeyay in laga gudbo nidaamkii waxbarashada ee 8-4-4.
Waxaa uu boogaadiyaay in loo wareegay manhajka cusub waxbarashada ee CBC, kaas oo dhaqangelintiisa ay muddo socotay.
Ruto ayaa xusay in nidaamka cusub uu u baahan yahay dib eegiis si loo tixgeliyo cabashooyinka ka imaanaya waalidiinta, macallimiinta iyo sidoo kale daneeyayaasha waxbarashada.
Arrintan ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka ka sheegay kulan uu isbeheysiga Kenya kwanza ku soo bandhigayeen waxyabaha ay ka qabanayaan dhinaca waxbarashada haddii loo doorto hoggaanka ugu sarreeya ee wadanka.
Kulankan ayay madaxweyne ku xigeenka dalka iyo hoggaamiyayaasha Kenya Kwanza waxay ka soo qayb galay xubnaha bulshada iyo daneeyayaasha waxbarashada si looga hadlo sidii loo heli lahaa nidaam waxbarasho oo ay heli karaan dhammaan kenyaanka, la awoodi karo oo ku habboon kobcinta dhaqaalaha.
Cabashooyinka ku sabsan hirgelinta hannaanka ardayda looga soo dhisaya dhanka xirfadaha ee CBC oo hadda hirgelintiisa ay mareyso fasalka 6-aad ayaa waxaa ka mid ah kharashaadka oo sarreeya, tababar la’aanta macallimiinta, tirada shaqaalaha manhajkan oo yar iyo kuwa kale.
Qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee xulafada la ah Ruto ayaa dhaleeceeyay manhajka cusub CBC.
Xildhibaanka sida magacaabidda ah ku galay baarlamaanka dalka sidoo kalena ahaa xoghayihii guud ee ururka macallimiinta dalka ee (KNUT) Wilson Sossion ayaa dhankiisa sheegay in hirgelinta nidaamkan uu dhibaato u gaystay dugsiyada dowladda ee dalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in ka wareegidii manhajkii hore ee 8-4-4 lagu degdegay, dugsiyada dowladana ay la daala dhacayaan sidii ay uu hirgelin lahayeen manhajka cusub ee CBC.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here