Barasaabka Garissa oo sheegay in la caawin doono ganacsatada ay hantida ka gubatay

0
323

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorone ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay inuu aad uga xun yahay burburka hantiyadeed ee xalay ka dhacay suuq Mugdi ee magaaladaasi.
Waxaa uu sheegay inuu murugada la qaybsanaya dhammaan dadkii halkaasi ku ganacsanayay oo uu ku tilmaamay kuwo dadaalayay.
Dhacdada uu xalay dabka ku burburiyay suuqaasi ayuu ku tilmaamay mid nasiib darro ah.
Waxaa uu dadka ay arrintan saameysay u xaqiijiyay in dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ay sameyn doonto wax waliba oo ay awooddo si culeyska looga dulqaado ganacsatada.
Guddoomiyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dhacdooyinka noocani ah ay dhacaan maadaama ay yihiin wax qoran hasa ahaate loo baahan yahay in la eego sababta uu dabka u soo noqnoqdo sidoo kalena la diyaariyo tallaabooyin mustaqbalka arrintan oo kale looga hor tagaya.

Senatarka Garissa Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa isna qoraal ku sheegay in dabka ku soo laalaabtay suuq Mugdi uu khatar ku yahay dhaqaalaha kumanaan ganacsato oo si iskood ah u shaqeysta.
Waxaa uu xusay in tallaabooyin ka hor tag ah oo aan la diyaarin ay saameyn guud ku yeelatay dhaqaalaha.
Senatar Cabduul ayaa hoosta ka xarriiqay inay muhiim tahay oo loo baahan yahay in si degdeg ah baaritaan qoto dheer loogu sameeyo dhacdadan si loo ogaado halka ay dhibaatadan salka ku haysa iyadoo laga baaran degaya sida ganacsatada ay hooyooyinka ka mid yihiin looga caawin karo inay dib u billowdaan ganacsigooda.
Senatarka Garissa waxaa uu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay baaq uu u diraya ganacsatada oo ah inay adkeysi muujiyaan xilligan ay musiibadu saameysay.
Wakiilka haweenka ee dowlad deegaanka Garissa Canab Suubow Guure ayaa dhankeeda xustay in dhacdada xalay ay qalbijab ku reebtay.
Waxay xustay in kastoo aan cid gaar ah eedda la saareyn haddana inay nasiib darro tahay in ganacsatada yaryar ay arrintan la soo daristo xilliyada doorashada.
Waxay dowladda dhexe iyo madaxda ismaamulka ugu baaqday inay la yimaadaan habab wax ku ool ah oo arrintan oo kale looga baaqsan karo.
Canab ayaa hoggaamiyaasha ku boorrisay inaysan dhacdadan siyaasadeyn oo ay miir leh ku xalliyaan iyagoo ku baraarugsan ganacsatada ay hantidoodi ka khasaartay.
In kastoo aan la ogeyn sababta ilaa iyo hadda ka dambeysay in suuqa uu gubto haddana saraakiisha ammaanka ee Garissa ayaa sheegay inay guda galeen baaritaan arrintan ku aaddan si xaqiiqada loo ogaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here