DHAGEYSO:Barasaabkii hore ee Garissa oo ka hadlay gubashada suuq mugdi

0
468

Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac ayaa ka hadlay dabkii xalay baabi’iyay suuqa loo yaqaano suuq mugdi ee ku yaalla magaalada Garissa.
Dhacdadaasi ayuu ku tilmaamay mid laga xumaado isagoo ganacsatada ay arrintan saameysay ugu baaqay inay is diiwaangeliyaan.

Wakiil wareedka warbaahinta Star ee ismaamulka Garissa Cabdisamad Muxumad Cabdi ayaa goor sii horreysay nooga warramay baaxadda khasaaraha ka dhashay dabkaasi.