Ku dhawaad 300 qof oo ku dhimatay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay wadanka Afghanistan

0
236

Ilaa iyo hadda ugu yaraan 280 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka in ka badan 200 ay dhaawacmeen, ka dib dhulgariir xooggan oo culeykiisa lagu sheegay 6.1 oo ku dhuftay meelaha fog ee koonfurta bari ee dalka Afghanistan.
Madaxa maamulka qaran ee maareynta musiibooyinka ee maamulka Taalibaan ee wadanka Afghanistan Maxamad Nassim Haqqani, ayaa sheegay in dhimashada ugu badan ay musiibadan sababtay laga soo tabiyay gobolka Paktika.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Afghanistan oo lagu magacaabo Salahuddin Ayubi ayaa tirada dhimashada ee gobolkaasi ku sheegay 255 qof halka in ka badan 200 ay ku dhaawacmeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo in uu jiro khasaare intaasi ka badan.
Sawirro laga soo qaaday goobaha uu dhulgariirka sameeyay ayaa muujinya guryo badan oo burburay.
Dhulgariirka ayaa ku dhuftay meel 44 kiilomitir u jirta magaalada Khost oo ku taalla xuduudda dalka Afghanistan uu la wadaago wadanka Pakistan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Pakistan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dhulgariirkan oo ka dhacay meel u dhow xadkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here