Madaxweynaha Indonesia oo ka shaqeyn doono nabadeynta Ruushka iyo Ukraine

0
473

Madaxweynaha dalka Indonesia Joko Widodo ayaa toddobaadka soo socdo safarro ku tagi doono waddamada Ruushka iyo Ukraine.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu kulamo la qaato hoggaamiyaasha kala ah Vladimir Putin iyo Volodymyr Zelenskyy si uu u heshiisiiyo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Indonesia Retno Marsudi ayaa warbaahinta u sheegay in Widodo uu xoogga saari doono sidii duullaanka militari ee ka socdo gudaha Ukraine loogu heli lahaa xal waara.
Hasa ahaate wasiirka ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin qodobbada hoggaamiyaha Indonesia uu si gaar ah ugala hadli doono madaxda kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here