Shaqaalaha maareynaya doorashooyinka oo badqabkooda la sugaya

0
280

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in si wayn loo sugi doono amniga saraakiil maareynaya doorashada guud ee bisha Siddeedaad.
Shir jaraaid ayuu ka sheegay in howlwadeennada la siin doono ciidamo ilaalo ah oo ku filan.
Hasa ahaate waxaa uu saraakiisha kula taliyay in ka hor codeynta ay iska ilaalinyaan dhexgalka bulshada si aan loo bartilmaameedsan.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Chris Msando oo guddiga IEBC u qaabilsanaa dhanka tiknolojiyadda la dilay maalmo un ka hor doorashadii guud ee 8-dii August.