DHAGEYSO:Qareennada Sonko oo racfaan ka qaadanaya go’aan shalay ka soo baxay IEBC

0
235

Qareennada u doodaya barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi haatanna u tartamaya xilka guddoomiyaha dowlad deegaanka Mombasa ee gobolka Xeebta Mike Sonko ayaa sheegay inay maanta maxkamadda sare ee wadanka u gudbinayaan dacwad.
Garyaqaan sare George Khaminwa ayaa arrintan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay inay maxkamadda sare u caddeyn doonaan inaysan ku qancin go’aan uu soo saaray guddi IEBC u qaabilsan xallinta murannada kaasoo ka dhan ahaa Mike Sonko.
Guddiga ayaa Sonko u diiday inuu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan u tartamo xilka barasaabnimo ee ismaamulka Mombasa.
Xubnaha guddiga ayaa ayiday go’aan ay horay u qaadatay sarkaalka IEBC u qaabilsan maareynta doorashooyinka Mombasa oo ay dhinac iskaga dhigtay codsigii Sonko uu ku doonayay in loo ansaxiyo u tartamidda jagadan hoggaamineed.
Mike Sonko oo horay looga xayuubiyay xilka guddoomiyaha Nairobi ka dib markii lagu eedeyay musuqmaasuqa ayaa dadweynaha Mombasa ku wargeliyay in go’aanka shalay uunan walaac ku beerin maadaama ay maanta racfaan qaadanayaan.
Waxaa uu ku doodaya in xubnaha guddiga ee go’aanka ku dhawaaqay la laaluushay in kastoo uunan soo bandhigin caddeyn tani ku aaddan oo aynan IEBC weli dhankeeda ka jawaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here