Wasaaradda caafimaadka oo amartay in maaskaro lagu xirto meelaha aan furnayn

0
277

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shalay dib u eegis ku sameysay tallaabooyinka ay dowladdu ku xakameynayso faafitaanka cudurka COVID-19.
Tani ayaa loo aaneeyay inay kordheen xaaladaha maalinlaha ee cudurka ee gudaha wadanka.
Wasiirka caafimaadka dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay inay qasab tahay in afxirka ama maaskarada lagu isticmaalo meelaha ay dadku isugu tagaan ee aan furnayn ama hawo bannaanka ah lahayn sida xafiisyada, gaadiidka dadweynaha , goobaha cibaadada, suuqyada laga dukaamaysto iyo gudaha diyaaradaha.
Wasiirka ayaa kenyaanka aan weli qaadan dawooyinka tallaalka ee caabuqa corona ugu baaqay inay tallaalka qaataan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhammaan dadka aan qaadan tallaalka corona ee Kenya soo galaya laga doonayo inay soo bandhigaan shahaado muujinaysa in xanuunka laga baaray oo laga waayay 72 saacadood ama saddex cisho gudahooda ka hor inta uunan soo safrin.
Kororka xaaladaha corona ee dalka muddo hal toddobaad ah isku celcelis ahaan waxaa uu gaaray boqolkiiba 10.74.
Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in xaaladda ay ka sii dari doonto xilliga qaboobaha ah sidaas awgeedna dadweynaha laga doonayo inay aad u taxadaraan.
Wasiirka ayaa sheegay in 3 ka mid ah 8 xarumood oo dabagal ku sameeya hergabka ay diiwaangeliyeen in kiisaska hergabka ay kordheen.
Waxaa uu cid kasta oo qabto xanuunnada neefsashada kula taliyay inay daryeel caafimaad raadsato oo laga baaro COVID-19.
Sidoo kale cid kasta oo hergeb uu hayo ayuu ku boorriyay inay xaafadda ku sugnaato, ay qaadato dharka culus ee qabowga looga gaashaanto iyo inaysan tagin meelaha ay dadku ku badan yihiin iyo isku soo baxyada.
Wasiir Kagwe ayaa siyaasiyiinta kula taliyay inay taageerayaashooda ku boorriyaan inay qaataan tallaalka COVID-19 oo marka ay isku soo baxyada ka qayb galayaan ay xaqiijiyaan inay sitaan afxirka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay wasaaraddu shalay shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay uu cudurka COVID-19 gudaha dalka ku haleelay 252 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here