Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in Maraykanka loo musaafuriyay shakhsi lagu magacaabo Christopher Richard Spencer.
Ninkan oo dhalasho ahaan ka soo jeedo jamhuuriyadda Guyana ee waqooyiga America ayaa labo cisho ka hor lagu xiray gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA, magaalada Nairobi.
Waxaa uu ku eedeysan yahay ka ganacsiga daroogada wuxuuna ahaa baxsad sida laga soo xigtay DCI.
Habeen ka hor ayaa Kenya laga tarxiilay si uu caddaalad ugu wajaho dalka Maraykanka.
Xilligii lagu qabanayay garoonka JKIA ayaa wuxuu ka yimid Koonfurta Bari ee dalka Brazil.
DRUG TRAFFICKING FUGITIVE DEPORTED TO THE UNITED STATES
The Guyanese national who was arrested two days ago at the Jomo Kenyatta International Airport, has been deported to the United States to face justice.
Christopher Richard Spencer, was deported last night to the pic.twitter.com/Uoqclk3ajp
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) June 19, 2022