Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:IEBC oo meesha ka saartay dacwad ka dhan ahayd senatarka Nairobi

DHAGEYSO:IEBC oo meesha ka saartay dacwad ka dhan ahayd senatarka Nairobi

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa dhinac iskaga digay kiis su’aal geliyay sababta senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja oo ah musharraxa xisbiga UDA ee xilka barasaabnimo loogu ansaxiyay inuu tartanka bisha Siddeedaad ka qayb galo.
Koox IEBC u qaabilsan xallinta murannada ayaa go’aankooda u cuskaday inaysan lahayn awood ay ku baaraan kuna xaqiijiyaan shahaadooyinka waxbarasho ee Sakaja maadaama guddiga tacliinta sare ee wadanka uu ansaxiyay shahaadadiisa jaamacadeed ee Degree-ga.
Bayaan ay IEBC shalay soo saartay ayaa waxaa ku cad in mas’uulka u qaabilsan maareynta doorashooyinka aynan qasab ku ahayn inuu xaqiijiyo shahaadada waxbarasho marka uu musharrax u oggolaanaya ka qayb qaadashada codeynta.
Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in qofkii dacwadda gudbiyay uunan ku soo wareejin wakhtigii loogu talagalay maadaama sarkaalka IEBC uu horay u ansaxiyay musharraxa.
Arrintan ayaa maalmihii la soo dhaafay si wayn looga hadal hayay gudaha wadanka iyadoo senatarka iyo xulafada madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ay sheegayeen in tani ay tahay qorsho la doonayo in Johnson Sakaja looga hor istaago u tartamidda xilka barasaabka caasimadda dalka.
Dhanka kale guddiga IEBC u qaabilsan xallinta murannada ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dhallinyarada ee ismaamulka Kiambu haatanna u tartamaya xilka senatarnimo ee dowlad deegaankaasi Karungo wa Thang’wa u diiday inuu ka mid noqdo musharraxiinta loolamaya 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
IEBC ayaa arrintan u aaneysay in mas’uulkan horay xilka looga qaaday taasi oo ay micnaheedu tahay inuusan u qalmin qabashada xil bulshada loogu adeego.
Sidoo kale guddiga ayaa ayiday tallaabadii Wavinya Ndeti loogu ansaxiyay u tartamidda xilka guddoomiyaha ee ismaamulka Machakos.
Guddiga IEBC ayaa horay loogu gudbiyay dacwad looga soo horjeedo in Ndeti loo oggolaaday tartanka iyadoo la tuhunsan yahay shahaadooyinkeeda waxbarasho.
Shakhsiyaadkii cabanayay ayaa ku dooday in haweeneydan aynan haysan shahaado Degree ah oo laga aqoonsan yahay gudaha wadanka.
Gideon Ngewa iyo Kisilu Mutisya ayaa sheegayay in Wavinya Ndeti ay qaadatay shahaadada Masters iyadoo aan haysan midda koowaad ee Degree.
Hasa ahaate guddiga ayaa sheegay in xaqiijinta arrintaasi uunan awood dastuuri ah u lahayn oo ay ka mid tahay waajibaadka guddiga tacliinta sare ee wadanka.
Senatarka Nairobi Johnson Sakaja iyo Wavinya Ndeti oo u tartamaysa xilka guddoomiyaha Machakos ayaa labaduba soo dhaweeyay go’aanka maanta ka soo baxay IEBC ee lagu laalay dacwadihii ka dhanka ahaa.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ka hadlay arrinta Sakaja ayaa ku doodaya in la isku dayay in Nairobi uu guddoomiye ka noqdo shakhsi aynan shacabku taageersanayn balse aan taasi lagu guulaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments