Xildhibaanka Garissa Township oo difaacay senatar Sakaja

0
276

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa difaacay senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja oo aqoontiisa jaamacadeed su’aal la geliyay.
Waxaa uu Ducaale sheegay in eedeymaha loo jeedinaya mas’uulkan ay yihiin kuwo siyaasadaysan balse bisha Siddeedaad shacabka ku nool caasimadda wadanka ay codkooda ku taageeri doonaan Sakaja.
Mudanaha ayaa dhanka kale soo hadal qaaday sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.
Ducaale ayaa sheegay in markii uu ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka uu dowladda kula taliyay inay yareyso canshuurta la saaro badeecooyinka shidaalka.
Waxaa uu ku celceliyay in dhibaatooyinka taagan ay yihiin kuwo ay wax ka qaban doonaan haddii ay ku guulaystaan hoggaanka wadanka.
Hay’adaha dowladda sida waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da, guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC, xafiiska dacwad oogidda ee ODPP iyo guddiga tacliinta sare ayuu ku boorriyay in aan loo adeegsan shaqo sida uu hadalka u dhigay ka baxsan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Waxaa uu xusay in maamulka talada wadanka haya uu qiyaastii 52 cisho ka dib isbeddelaya oo khaladaadka maamullada dowladeed dib u eegis lagu sameyn doono.
Dhanka kale guddi IEBC u qaabilsan xallinta murannada ayaa la filaya inuu go’aan ka soo saaro eedeymaha uu wajahaya senatar Sakaja ee ku aaddan shahaadadiisa waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here