Kenya Kwanza iyo Azimio oo laga hor istaagay in maanta ay isu soo bax ku qabsadaan fagaaraha Jacaranda

0
457

Waxaa lagu soo warramaya in labo qof ay dhaawacyo soo gareen halka mid kale xabsiga loo taxaabay ka dib markii ciidamada booliska ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dhallinyaro doonayay inay rabshado ka gaystaan fagaaraha Jacarada ee deegaanka bariga Embakasi ee magaalada Nairobi.
Mid ka mid ah labada qof ee uu dhaawaca soo gaaray ayaa ah musharrax lagu magacaabo Francis Mureithi oo u taagan kursiga deegaan baarlamaaneedka bariga Embakaasi ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu siyaasigan ka tirsan yahay xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa ay tani kusoo aadeysa iyadoo ciidamada booliska ee caasimadda dalka ay isaga baxeen garoonka Jacaranda, ka dib markii ay saaka xireen goobtaasi, si ay uga hortagaan isku dhacyo ka dhasho isu soo baxyo siyaasadeed ay doonayeen in isbeheysida Kenya Kwanza iyo Azimio la Umoja ay halkaasi ku qabsadaan.
Labada isbeheysi ayaa ku doodaya in fagarahaasi uu maanta u qorsheynaa inay isu soo baxyo siyaasadeed ku qabsadaan, taasoo keentay in ciidamada booliska ay la wareegaan ammaanka garoonkaasi.
Booliska ayaa laga soo xigtay, in dhammaan isu soo baxyadii siyaasadeed ee lagu waday in maanta lagu qabto garoonka Jacaranda la joojiyay, xaalad amni awgeed.
Dhanka kale ku xigeenka madaxweynaha dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter 10-kii barqanimo ee maanta, ayuu ugu baaqay taageerayaashiisa inay cibaadada Kaniisadda ee Axadda ka dib ay isugu yimaadaan barxadda Jacaranda.
Sidoo kale xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa sheegay in labada isu soo bax ee maanta lagu qaban rabay fagaaraha Jacaranda la joojiyay, madaama labada isbeheysi uu xifaaltanka adag ka dhexeya ay isku maalin ballansadeen inay goobtaasi ay olole siyaasadeed ku qabsadaan.