Al-Shabaab oo shaacisay tirada xubnaha looga dilay dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Baxdo

0
757

Waxaa faahfaahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan weerar qaraxyo ku billowwday oo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay saaka aroortii hore ku qaadeen deegaanka Baxdo oo 90 kiilo mitir dhinaca Bari uga beegan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ahaa oo dhexmaray Ciidamada xooggaga Ahlusunna iyo maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al-Shabaab, kaas oo gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Wararka ay warbaahinta heshay ayaa sheegaya in dagaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux oo kala ahaa Askar ka tirsan Ciidanka daraawiishta Galmudug iyo laba qof oo uu ku jiro Wadaad lagu Magacaabi jiray Salaad Warsame Cabdi iyo dhinacyadii kale ee dagaalka uu dhexmaray.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dagaalka ay ku soo biireen Ciidamo ka tirsan daraawiishta Maamulka Galmudug, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Al-Shabaab laga saaray degaanka Baxdo oo saakay ay galeen.
Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaannada Galmudug ayaa dadka deegaanka Baxdo ku bogaadiyay sida ay isaga difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.
Qoraal ay dagaalka kasoo saareen Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii deegaanka Baxdo ku dileen 27 maleeshiyaad deegaanka ah, sidoo kalena dhankooda looga dilay 9 dagaalame.
Sidoo kale Qoraalkooda ayaa waxaa ay ku sheegeen, in weerarkii saaka uu ahaa mid ay kaga hortagayeen Abaabul wadeen dadka deegaanka kaas oo ka dhan ahaa Deegaanada ay joogaan ee u dhow Baxdo.