EACC oo doonaysa inay la wareegto hantida sarkaal ka shaqeeya wasaaradda dhulalka

0
450

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah mid ka mid ah saraakiisha wasaaradda arrimaha dhulalka ee dalka.
Guddiga ayaa doonaya in maxkamadda ay Nicholas Owino Ochiel ku qasabto inuu dowladda ku wareejiyo hanti aynan caddeyn qaabka uu ku helay.
Hantidan oo uu qiimaheedu yahay 1.2 bilyan oo shilin ayaa waxaa ka mid ah baabuur , lacag caddaan ah iyo waxyaabo kale oo ay EACC sheegaysa inuusan si xaq ah ku helin marka loo barbardhigo mushaarkiisa iyo meelaha uu dakhliga ka soo galo.