Qaramada midoobay oo shaacisay tirada dadka lagu dilay Mariupol

0
593

Madaxa qaramada midoobay ee arrimaha xuquuqul aadanaha Michelle Bachelet ayaa sheegtay in tani iyo markii 24-kii bishii Labaad ee sanadkan uu gudaha Ukraine ka billowday duullaanka militari ee Ruushka in ugu yaraan 1,348 qof lagu dilay magaalada Mariupol ee wadankaasi.
Waxay magaaladaasi ku tilmaantay midda laga diiwaangeliyay dhimashada ugu badan ee gudaha dalka Ukraine.
Bachelet ayaa intaasi ku dartay inay suurtagal tahay in tirada rasmiga ee dhimashada ay ilaa kumannaan ka sarreyso inta la shaaciyay.
Madaxa xuquuqul insaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa laga soo xigtay in dagaalka Ruushka lagu burburiyay 9 ka mid ah tobankii guri ee la deggan yahay iyo 6 ka mid ah tobankii hooy ee si gaar ah loo leeyahay.