Ruto oo Raila ka dalbaday inuu caddeeyo waxbarashadiisa

0
466

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga weydiiyay inuu faahfaahin ka bixiyo aqoontiisa jaamacadeed.
Ruto ayaa doonaya in ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka uu si cad u soo bandhigo halka uu ku wax bartay iyo cidii ay isku fasal ahaayeen.
Madaxa UDA ayaa soo jeediyay in la soo afjaro sida uu hadalka u dhigay bartilmaameedsiga siyaasadeed ee senatarka Nairobi Johnson Sakaja.
Waxaa uu sheegay in Sakaja uu wax bartay oo uuna qalin jabiyay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guddi IEBC u qaabilsan dhageysiga murannada uu dhinac iskaga dhigay warqaddii guddiga tacliinta sare ee dalka uu ku sheegay inuusan aqoonsanayn shahaadada Sakaja ee jaamacadda Team University ee dalka Uganda.