Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Elgeyo Marakwet ayaa sare u qaaday howlgal ka dhan ah hubka sharci darrada .
Iskuduwaha dowladda dhexe u qaabilsan gobolka Rift Valley Macallin Maxamad ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa iyo hadda in ka badan 100 qof lagu xiray Elgeyo Marakwet, Baringo iyo West Pokot oo ay falal amni darro ku soo noqnoqdeen.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu weli shaqeynaya bandowgii ay dowladdu ku soo rogtay saddexda ismaamul.
Xilli uu iskuduwaha Rift Valley faahfaahinayay guulaha ilaa iyo hadda laga gaaray howlgallada amni ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa.