DHAGEYSO:Mataatuulayda wadanka oo kordhinaya qiimaha lagu raaco baabuurta

0
528

Waxaa la filaya inuu kordho nooliga lagu raaco baabuurta dadweynaha ee loo yaqaano (PSVs).
Tani ayaa timid ka dib markii maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee (EPRA) uu lacag dhan 9 shilin ku kordhiyay qiimaha halkii liitar ee noocyada shidaalka.
Guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha mataatuuda ee (MOA) ,Simon Kimutai ayaa sheegay in kororka shidaalka awgiis aynan ku sii shaqeyn karin qiimihii hore.
Wareysi uu siiyay idaacadda Capital FM ayuu Kimutai dowladda ugu baaqay inaysan meesha ka saarin qarashaad ay ku biirinaysay arrimaha shidaalka oo kenyaanka looga ilaalinayay culeysyo dheeraad ah.
Kimutai ayaa xusay inuu xubnaha ka tirsan ururka MOA kula taliyay inay sare u qaadaan nooliga gaadiidka dadweynaha maadaama sida uu hadalka u dhigay aynan waddo kale u furnayn.
“Qiimaha waa uu kordhaya , waxaa la gaari doonaa xilli ay rakaabka bixiyaan labo jibaar intii hore” ayuu yiri guddoomiyaha milkiilayaasha mataatuuda dalka.
Qaar ka mid ah wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka ee ismaamulka Narok ayaa walaac ka muujinaya qiimaha sare u kacay ee shidaalka waxayna dowladda ugu baaqeen inay dib u eegis ku sameyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here