Kenya iyo Zambia oo saxiixday 6 heshiis

0
335

Dowladaha Kenya iyo Zambia ayaa wada saxiixday heshiisyo gaaraya 6 oo ay ku xoojinayaan iskaashiga laba geesoodka ee ka dhexeya.
Waxaa saxiixidda heshiisyadan goobjoog u ahaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Zambia Hakainde Hichilema.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii labada mas’uul ay yeesheen kulan fool ka fool ah iyagoo ugu dambeyn wufuudooda ku hoggaamiyay wada hadallada.
Heshiisyada ay Kenya iyo Zambia wada gaareen ayaa ku saabsan;
1.Iskaashiga dhanka daweeynta iyo caafimaadka xoolaha.
2.Darasaadka iyo cilmi baarista xiriirka caalamiga.
3.Horumarinta iskaashatada.
4.Wada shaqeynta xiriirka dalxiiska wadanka ee (KTF) iyo golaha dalxiiska Zambia ee (TCZ),
5. Iskaashiga machadka dalxiiska ee Kenya Utalii College iyo midka Institute for Tourism and Hospitality Studies ee Zambia.
6.Wada shaqeynta dhinaca warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda.
Labada madaxweyne ayaa sheegay in heshiisyada la saxiixay ay sare u sii qaadayaan cilaqaadka Kenya iyo Zambia si muwaadiniinta waddamadan ay uga faa’iidaystaan is-afgaradka dhinacyada badan ah.
Dowladaha Kenya iyo Zambia ayaa sidoo kale ku heshiiyay in meesha laga saaro caqabadaha ku hor gudban ganacsiga.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Zambia, Hakainde Hichilema ayaa ku heshiiyay in wax laga qabto canshuurta shacabka labada dal ka hor istaagta inay si xor ah u wada ganacsadaan.