Hoggaamiyaha wadanka oo saxiixay xeer daryeelaya qoysaska saraakiishii hore ee gaashaandhigga

0
1391

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shalay qalinka ku duugay hindise sharciyeedka Military Veterans Bill, 2022.
Heerkan ayaa ah mid lagu saleynaya daryeelka ay dowladda dhexe ka helayaan qoysaska saraakiisha horay uga tirsanaa ciidamada difaaca wadanka ee geeriyooday.
Waxaa uu qeexaya in la sameeyo sanduuqa tacliinta ee golaha difaaca wadanka oo ay taageero dhanka waxbarashada ah ka heli karaan carruurta saraakiishan.
Sidoo kale xeerka cusub ee uu saxiixay Mr. Kenyatta ayaa soo dhisaya guddi ka talabixin doono arrimahan.
Guddigan ayaa soo jeedinadiisa la wadaagaya golaha difaaca ,wasiirka ama agaasimaha daryeelka halyeeyadii militari si dadka ku tiirsan ay garab uga helaan dowladda.