Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Xamsa Cabdi Barre oo uu shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha.
Guddoomiyaha ayaa mas’uulka cusub guul u rajeeyay.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu barasaabka Garissa ku sheegay in Xamsa Alle uga baryaya inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu ka rajeynaya inuu dalka Soomaaliya u horseedo waddada nabadgalyo iyo horumar waara.
I convey my warmest congratulations to the new Prime Minister of Somalia Hamza Abdi Bare. I wish him success in the discharge of his duties and pray he plays a constructive role in steering his country into a path of sustainable peace and progress.
Thank you Pres @HassanSMohamud pic.twitter.com/uCKtL4VXr6
— H.E Ali B.Korane (@HonAliKorane) June 15, 2022