Booliska oo sheegay in 4 qof loo xiray dhac laga gaystay Kajiado

0
455

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay afar eedeysanayaal oo lala xiriirinaya fal dhac ah oo lagu jabsaday guri ku yaalla xaafadda Ongata Rongai ee ismaamulka Kajiado.
Falkaasi ayaa waxaa duubtay kareemada qarsoon ee CCTV-da.
Afhayeenka ciidamada booliska wadanka Bruno Shioso, ayaa laga soo xigtay in saraakiisha ammaanka ay hadda baaritaano dheeraad ah ku sameynayaan tuhmanayaasha la qabtay.
Shioso ayaa xusay intii baaritaannada lagu guda jiray in la helay bastoolad, lacag iyo labis ay habeenkaasi xirnaayeen dadka dhaca fuliyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in booliska ay ku dadaalayaan in la soo xiro eedeysanayaal dheeraad oo baxsad ah.
Bayaanka waxaa ku cad in taliyaha guud ee ciidamada booliska wadanka Hillary Mutyambai uu amray in howlgal ballaaran laga sameeyo Ongata Rongai iyo deegaannada ku xeeran si loo ciribtiro burcadda dhibaatooyinka ay ka mid yihiin boobka hantiyeed u gaysta dadweynaha.
Shioso ayaa qaybaha bulshada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan booliska oo ay u gudbiyaan macluumaadka muhiimka ah.