Dacwad oogaha guud ee dalka oo la kulmay safiirka Japan

0
464

Safiirka dowladda Japan ee dalkani Kenya Ambasadoor Okinawa Ken ayaa booqday xafiiska dhexe ee waaxda dacwad oogidda wadanka.
Waxay isaga iyo agaasimaha waaxda dacwad oogidda Nuurdiin Xaaji ka wada hadleen horumarka laga gaaray dhisidda machadka tababarka dacwad oogidda.
Xaruntan ayaa lagu xoojin doonaa aqoonta iyo khibradda saraakiisha dacwad oogidda.
Safiirka ayaa dhankiisa bogaadiyay xiriirka soo jireenka ee ka dhexeya dowladaha Kenya iyo Japan isagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in sare loo qaado iskaashiga dhinacyada xeerarka.