Kenya oo martigelinaysa shir ku saabsan maaraynta wasaqda

0
479

Waxaa Kenya maanta ka furmaya shir socon doono labo cisho oo ku saabsan maaraynta nadaafad darrada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaraya sida wasaqda loogu beddeli karo tamar.
Waxaa hal ku dhig u ah “It is Time to Act” oo ay micnaheedu tahay waa hadda xilligii tallaabo la qaadi lahaa.
Warbixintii ugu dambeysay ee maamulka qaran ee maaraynta deegaanka ee (NEMA) ayaa muujinaysa in Kenya ay maalin kasta soo saarto qiyaastii 22,000 oo taan oo wasaq ah.
Tani ayaa sanadhii noqonaysa ilaa 8 milyan oo taan.
Boqolkiiba 40 ee wasaqda ayaa laga soo saaraa magaalooyinka waawayn.