Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ku taliyay in la iska kaashado sidii loo soo afjari lahaa takoorka ay bulshadu ku hayso bukaannada qabo xanuunada saameeya dhimirka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaadkan ay u baahan yihiin in la caawiyo.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in xanuunka dhimirka uu la mid yahay kuwa kale ee lala tacaali karo.
Baaqan ayuu hoggaamiyaha wadanka diray xilli uu shalay degmada Ngong ee ismaamulka Kajiado ku dhagax dhigay dhismaha isbitaal casri oo heer caalami ah kaasoo ay daryeel caafimaad ka heli doonaan dadka la nool xanuunnada maskaxeed.
Mr. Kenyatta ayaa cid kasta oo wajahaysa dhibaatadan ku boorriyay inay daryeel caafimaad ka raadsato xarumaha kala duwan.
Madaxweynaha dalka ayaa dowladaha ismaamullada ugu baaqay inay maalgelin ballaaran ku sameeyaan la tacaalidda xanuunnada dhimirka.
1/4
President Uhuru Kenyatta has emphasized the need for concerted efforts to eliminate the stigma associated with mental illness by actively supporting those in mental distress. pic.twitter.com/8zUiuK8hJa— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 14, 2022