DAAWO:Booliska dalka oo iska fogeeyay haweeney sheegatay inay waaxdooda ka tirsan tahay

0
530

Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ee NPS ayaa iska fogeysay muuqaal baraha bulshada kuwada xiriirto lagu faafiyay, kaas oo ay haweeney ku andacooneysa inay tahay sarkaalad boolis ah oo waaxdan ka tirsan.
Haweeneyda sheeganeysa inay tahay boolis ayaa ugu hanjabtay inay xireyso qof kale oo dumar ah oo ku sugneyd goob lagu caweeyo, madaama ay sheegtay in dambi lagu soo eedeyay.
Bayaan ay waaxda NPS soo saartay ayay ku sheegtay in haweeneyda sheeganeysa inay tahay sarkaalad boolis ah aysan ka tirsaneyn waaxdooda, hasa ahaate ay la shaqeyso maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee ismaamulka Nairobi ee NMS.
NPS ayaa sidoo kale soo saartay caddeyn arrintan ku saabsan, iyada oo sheegtay in saraakiisha NPS ee la shaqeeyo maamulka NMS ay qabtaan howlo gaar ah, oo ay ku jiraan tababarro, ayna si sharaf leh u gutaan waajibaadkooda iyagoo raacaya sharciga sidoo kale ilaalinaya heerarka ugu sarreeya ee anshaxa booliska.