Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party Prof. George Wajackoyah ayaa ballanqaaday in haddii uu hoggaanka wadanka ku guulaysto 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan, maamulkiisa uu xukun daldalaad ah ku fulin doono dadka lagu caddeeyo inay ku kaceen falalka musuqmaasuqa.
Tani ayuu xusay inay tahay sida keliya ee lunsashada kheyraadka dadweynaha looga cirib tiri karo gudaha Kenya.
Waxaa uu Wajackoyah carrabka ku adkeeyay in daldalaadda ay ku cibra qaadasho buuxda noqonaysa si loo ilaaliyo lacagaha dowladda.
Wajackoyah ayaa intaasi ku daray inaysan jiri doonin cid musuqmaasuqa sameysa oo ciqaabtan laga cafinaya.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu ololihiisa siyaasadeed geeyay ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka.
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots ayaa lagu wadaa inuu qorshihiisa hoggaamineed oo ka kooban 12 qodob uu soo bandhigo 2-da bisha Toddobaad ee sanadkan.