Waaxda tareennada dalka ayaa ku boorrisay dadweynaha inay ka fogaadaan khadadka tareennada, si looga fogaado inuu shil dhaco.
Baaqaan ayaa ku soo aadaya, maalmo ka dib markii tareen xamuul ah xilli uu ka soo laabtay deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu uu ku dhacay gaari xamuul ah oo ku xayirmay isagoo isku dayayay inuu ka gudbo jidka tareenka xilli uu maraya meel sharci darro ah.
Waxaa dhacdadan ku nafwaayay 5 qof.
“Waxaan ku boorrineynaa darawallada iyo dadka lugeynaya inay ka fogaadaan meelaha u dhow khadadka tareenada, ay muujiyaan taxaddar inta ay ku soo wajahan yihiin isgoysyada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay waaxda tareennada ee dalka.
Sida laga soo xigtay booliska, baabuurka xamuulka qaada ee sababay shilka waxaa iska leh shirkad Shiinees ah oo wax soo saarta, waxuuna isku dayay inuu gudbo ka hor tareenka oo masaafo dheer u jiray balse uu ka gaabiyay xawaaraha.
Waaxda tareennada dalka ayaa sidoo kale sharraxday in tareennada aysan isla markiiba istaagi karin culeyskooda awgood, sidaas darteed ay xaq u leeyihiin inay gudbaan.
Home Wararka Kenya Kenyaanka oo loogu baaqay inay ilaaliyaan masaafada ay u jiraan khadadka tareenka