Ururrada bulshada oo ka digay in kheyraadka dadweynaha loo adeegsado ololaha siyaasadeed

0
506

Iyadoo doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay naga xigto qiyaastii 57 cisho ayay ururrada bulshada ee ku mideysan dalladda madasha doorashada ee Uchaguzi Platform walaac ka muujinayaan inay jiraan saraakiil badan oo dowladda u shaqeeya kuwaasoo kheyraadka dadweynaha u adeegsanaya arrimo siyaasadeed.
Agaasimaha fulinta ee hay’adda Transparency International laanteeda Kenya ,Sheila Masinde ayaa sheegtay in shaqaalaha dowladda looga baahan yahay inaysan la kala safan musharraxiinta.
Waxay hay’adaha qaabilsan maamul wanaagga ka codsatay inay tallaabo sharciyeed ka qaadaan saraakiisha dowladda u shaqeeya balse sida ay hadalka u dhigtay ku mashquulsan taageeridda musharrax gaar ah.
Shir jaraaid oo ay qabteen ayay ururrada bulshada ka sheegen inay walaac ka muujinayaan in saamileyda kala duwan aan si buuxda looga qayb gelin baaritaannada lagu sameynaya diiwaanka codbixiyeyaasha.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayay ka dalbadeen inuu xalliyo tabashooyinka jira ee la xiriira macluumaadka codbixiyeyaasha wadanka.
Agaasimaha fulinta ee machadka Afrika ee maareynta xeerarka doorasho Felix Odhiambo ayaa dhankiisa xusay in diiwaan dhameystiran oo aan qaladaad lahayn uu muhiim u yahay kalsoonida lagu qabi karo natiijada doorashada guud.
Sidoo kale xubnaha ururrada bulshada ayaa shakhsiyaadka adeegsada baraha bulshada kula taliyay inay mas’uuliyad muujiyaan oo aynan faafin xogaha aan saxda ahayn ee naceyb abuuri karo.
Kooxdan ayaa dhanka kale taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr.Hillary Mutyambai ugu baaqay inuu soo saaro bayaan faahfaahsan oo ku aaddan si la isugu diyaariyay xaqiijinta amniga doorashooyinka .