Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa shalay isku soo baxyo siyaasadeed ka sameeyay ismaamullada Machakos iyo Makueni.
Waxaa uu Raila ballanqaaday in haddii uu ku guulaysto xilka madaxtinnimo ee dalka uu hoos u dhigi doono qiimaha cunnooyinka inta badan la isticmaalo sida burka, saliidda cuntada lagu karsado iyo waxyaabaha la midka ah.
Mr. Odinga ayaa xusay in kenyaanka ay in ku filan u dulqaateen qiimaha sare ee maciishadda sidaas awgeedna isbeheysiga Azimio uu qorsheynaya in arrintan wax laga qabto.
Waxaa Raila socdaalkiisa ku wehelinayay madax ay ka mid yihiin hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka , barasaabka Makueni Prof. Kivutha Kibwana , dhigiisa Kitui Charity Ngilu iyo siyaasiyiin kale.




