DHAGEYSO:Karua oo maanta tagaysa Uasin Gishu

0
435

Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Martha Karua ayaa lagu wadaa inay maanta gaarto ismaamulka Uasin Gishu ee gobolka Rift Valley.
Waxay halkaasi ka sameyn doontaa olole ku aaddan in iyada iyo Raila hoggaanka wadanka loo doorto 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Karua iyo Raila ayaa ku ololeynaya in haddii ay hoggaanka qabtaan inay si wayn ula dagaallami doonaan musuqmaasuqa.
Qaar ka mid ah shacabka Uasin Gishu ayaa sheegay inay si wayn u soo dhaweyn doonaan Martha Karua iyo siyaasiyiinta kale ee wehelinaya si ay qorshahooda ugu bandhigaan dadweynaha halkaasi ku nool iyadoo tani aan la carqaladeyn.