Shakhsiyaadka adeegsado shahaadooyinka been abuurka ah oo loo digay

0
489

Maamulka dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta shahaadooyinka waxbarasho ee (KNQA) ayaa wacad ku maray in uu xabsiga u taxaabi doono cid kasta oo sameysato shahaado been abuur ah.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday agaasimaha guud ee maamulkan Dr. Juma Mukhwana.
Sarkaalkan ayaa hoosta ka xarriiqay in ay guda galeen howlgal ballaaran oo ka dhan ah dadka sita shahaadooyinka faaliska ah.
Mukhwana ayaa carrabka ku adkeeyay in baaritaano ka dib cid kasta oo dembigan lagu helo maxkamadda la soo taagi doono si dacwad loogu soo oogo.
Waxaa uu dowladda dhexe , ismaamullada iyo shirkadaha dadka shaqaaleysiiya ku boorriyay in ay KNQA kala shaqeyaan sidii loola dagaallami lahaa howlwadeenada ku shaqeysto dokumeenti aynan si sharci ah ku qaadan.
Dr. Juma ayaa xusay in jiritaanka dhakhaatiir iyo injineero been abuur ah ay halis gelinayso nolosha shacabka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayuu agaasimaha sheegay in ay doonayaan in gudaha wadanka ay ka shaqeyaan oo keliya shakhsiyaadka xarumaha waxbarashada kaga qalin jabiyay sida habboon.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka KNQA uu si qoto dheer u qiimeyn doono shahaadooyinka waxbarasho ee ajaaniibta doonaya in ay ka shaqeyaan gudaha Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here