Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa codbixiyeyaasha ugu baaqay inaysan xilliga doorashada guud ee bisha Siddeedaad musharraxiinta ka oggolaan qaadashada lacago laaluush ah.
Guddiga ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in musuqmaasuqa uu leeyahay dhibaatooyin saameyn leh balse laga hor tagi karo.
EACC ayaa hoosta ka xarriiqday in kenyaanka looga baahan yahay inay xilalka hoggaanka u doortaan shakhsiyaad karti leh oo aan ku lug lahayn falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Guddiga ayaa xusay in shacabka ay weli haystaan fursad ay ku kala doorbidi karaan 5 sano oo ku saleysan waxqabadka la iskula xisaabtami karo ama 5 sano oo culeysyo iyo dhibaatooyin xambaarsan.
Corruption has painful but preventable consequences. In the upcoming elections, citizens should reject VOTER BRIBERY and choose COMPETENT, ETHICAL AND INCORRUPTIBLE leaders capable of championing good governance. Choose 5 yrs of accountable service OR 5 yrs of pain & suffering.
— EACC (@EACCKenya) June 11, 2022
Waxaa baaqan mid la mid ah soo saaray xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo iskuduwidda howlaha qaranka Dr. Karanja Kibicho.
Mas’uulkan ayaa sheegay inay sii wadayaan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan inay aad uga fiirsadaan musharraxiinta ay u dooranayaan jagooyinka siyaasadeed.
Waxaa uu tilmaamay inuusan jirin musharrax madaxweyne oo ay kenyaanka kula talinayaan inay hoggaanka wadanka u dhiibaan .