Booliska dalka oo sheegay in daroogada Xashiiska ay wali sharci darro tahay

0
621

Waaxda qaran ee adeegga booliska ee NPS ayaa sheegtay in mowqifkeeda ku aaddan daroogada Xashiishka gaar ahaan midda loo yaqaano Marijuana uunan waxbo iska beddelin.
Isticmaalka mandooriyahan ayaa muddo dheer Kenya sharci darro ka ahaa.
Bayaan ay waaxda NPS soo saartay ayay hoosta uga xarriiqday in qaar ka mid ah musharrixiinta xilal doonka ah ay daroogada ku dhiirigelinayaan shakhsiyaadka isticmaala.
Waxaa ay tani ku soo aadeysa iyadoo musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots ,Prof. George Wajackoyah uu sheegay in haddii uu ku guuleysto hoggaanka ugu sarreeya dalka inuu sharciyeyn doono xashiishka si looga helo faa’iidooyin dhaqaale iyo kuwo caafimaad.
Shalay ayay ahayd markii waaxda qaran adeegga booliska dalka ee NPS ay sheegtay in gacanta lagu dhigay saddex eedeysanayaal oo loo haysto inay ka ganacsadaan daroogada.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay Charles Chacha Bisebe, Julius Chacha Stephen iyo Fedestus Musogera Getubia.
Waxaa dhammaan laga soo qabtay ismaamulka Kisii.
Qiimaha maandooriyahan ayay laamaha ammaanka ee dalka ku sheegeen 100 kun oo shilin.