Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza, William Ruto ayaa ballanqaaday in haddii uu hoggaanka wadanka qabto in muddo saddex bilood gudahooda ah uu ku dhaqangelin doono xeerka dastuuriga ee sinnaanta jinsiyadeed.
Ruto ayaa xusay in maamulkiisa uu haweenka fursad u siin doono ka qaybgalka fadhiyada lagu go’aamiyo arrimaha masiiriga ee wadanka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay in xilliga codeynta guud , xilalka hoggaanka loo dooran doono haween badan.
Waxaa uu ku celceliyay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono wanaajinta nolosha dumarka iyo in kala bar golihiisa wasiirrada ay haween noqdaan.
Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday in lacag dhan 50 bilyan oo shilin oo aan dulsaar lahayn lagu taageeri doono ganacsiyada yaryar iyo kuwa heerka dhexe ah.




