DHAGEYSO:IEBC oo ka hadashay maareynta doorashooyinka Garissa

0
581

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC laantiisa Garissa ayaa dadweynaha halkaasi ku nool u xaqiijiyay in codeynta guud ee bisha Siddeedaad uu u maarayn doono si xor iyo xalaal ah.
Mas’uulka IEBC u qaabilsan iskuduwidda arrimaha doorashooyinka ee ismaamulka Garissa ayaa sheegay inay sida habboon u xuli doonaan saraakiisha la howlgelinaya.
Waxaa uu bulshada la codsaday in haddii ay hayaan xog ah in mid ka mid ah howlwadeennada uunan gudashada waajibaadkiisa dhexdhexaad ka noqon karin oo uu tusaale la safan yahay xisbi gaar ah inay warbixintaasi soo gudbiyaan.

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Garissa, Boaz Cherutich ayaa dhankiisa ka hadlay sida ay nabadda u sugi doonaan.

Waxgaradka kulanka ka qayb galay oo uu ka mid yahay Dubat Cali Camey ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay inaysan kala qaybsanaan ka dhex abuurin dadweynaha.