Dhallinyaro billaabay socdaal nabadeed oo u dhexeya Kakamega ilaa Nairobi

0
432

In ka badan 1,200 oo dhallinyaro ah ayaa ismaamulka Kakamega ee galbeedka wadanka ka soo billaabay socdaal nabadeed oo ay doonayaan inay ku yimaadaan Nairobi.
Da’yarta oo ay ka mid yihiin arday ayaa sheegay in ujeedka socodkooda uu yahay sidii bulshada ku nool magaalooyinka kala duwan loogu wacyigelin lahaa ka shaqeynta nabadda ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan, inta lagu guda jiro iyo ka dib marka la soo gabagabeeyo codeynta.
Dhallinyarada ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin hal ku -dhigyo la xiriira nabadda iyagoo dhar cad ku labisan.
Guddoomiyaha ururka safiirrada nabadda ee Kenya ,James Nandi ayaa sheegay in socdaalka uu qaadan doono muddo 21 cisho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here