Xisbiga Roots oo qorshihiisa soo bandhigaya bisha 7-aad

0
442

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots ,Prof. George Wajackoyah ayaa sheegay inuu 2-da bisha Toddobaad ee sanadkan kenyaanka u soo bandhigi doono qorshihiisa hoggaamineed.
Waxaa uu ka mid yahay afar musharrax oo uu dhawaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu u ansaxiyay inay 9-ka bisha Siddeedaad u tartamaan hoggaanka dalka.
Prof. Wajackoyah ayaa sheegay in qorshihiisa uu ka kooban yahay 12 qodob oo ay ka mid tahay in howlwadeennada wadanka ay toddobaadkii shaqeeyaan afar cisho.
Waxaa uu sidoo kale ballanqaaday in haddii xilka madaxtinnimo loo doorto uu muslimiinta fursad u siin doono inay maalinka Jimcada ah ka nastaan shaqooyinka si ay xilli hore isugu diyaariyaan khudbada.
Sidoo kale musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots ayaa sheegay inay sharciyeyn doonaan xashiishka si looga helo faa’iidooyin dhaqaale iyo kuwo caafimaad.