Ismaamulka Tana River oo mashaariic ku hirgelinaya 120 milyan

0
458

Dowladda hoose ee ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta ayaa qorsheynaysa inay lacag dhan 120 milyan oo shilin u adeegsato in lagu dhiso labo buundo sidoo kalena suuqyo lagu dayactiro.
Waaxda ganacsiga ee Tana River ayaa sheegtay in dib loo dhisaya suuqa Bura halka kuwo cusub laga hirgelin doono Madogo iyo Kipini .
Agaasima waaxda ganacsiga ee ismaamulkaasi Elisha Buya, ayaa sheegay inay billaabeen qorshaha dhismaha buundada ee dhanka Bangal iyadoo horay mid kale looga dhisay Hurara ee waddada xiriirisa Garsen iyo deegaanka Malindi .