Guddoomiyaha ismaamulka Samburu Moses Lenolkulal ayaa lagu wadaa inuu maanta ka soo hormuuqdo maxkamadda si uu uga jawaabo dacwad ku saabsan musuqmaasuqa.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa dacwadda geeyay maxkamadda.
Waxaa ay EACC ku dadaalaysa sidii ay dib ula wareegi lahayd hanti dhan 80.7 milyan oo ay rumeysan tahay in barasaabka uunan ku heli si sharci ah.
Bishii Sagalaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii guddiga EACC uu maxkamadda ku wargeliyay in kaalinta shidaal ee Oryx Service Station oo ah shirkad ku diiwaangashan magaca guddoomiyaha ay intii u dhexeysay 2013-kii ilaa 2018-kii ay dowladda ismaamulka Samburu ka heshay lacag dhan 80,715,000 oo shilin.
Guddiga EACC ayaa horay u xannibay lacag gaaraysa 14 milyan iyo hanti uu barasaabka ku leeyahay xaafadda Karen ee magaalada Nairobi oo lagu iibiyay 60 milyan oo shilin.
Guddiga ayaa bayaan ku sheegay in dhammaan waxyaabahan laga helay qandaraasyo ay bixisay dowladda ismaamulka Samburu ee uu Lenolkulal hoggaamiyo.