Booliska iyo NTSA oo billaabay howlgal laga sameynaya waddooyinka

0
415

Waaxda qaran ee adeegga booliska iyo maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa si wadajir ah u billaabay howlgallo laga fulinaya waddooyinka wadanka.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay la tacaalidda gaadiidleyda aan ilaalin xeerarka u degsan isticmaalka waddooyinka.
Agaasimaha isgaarsiinta ee booliska dalka Bruno Shioso ayaa bayaan ku sheegay inay walaac ka muujinayaan sare u kaca ku yimid shilalka.
Amarkan ayaa imaanaya iyadoo maamulka qaran ee gaadiidka ee NTSA uu shaaciyay in 1,968 qof ay ku dhinteen shilalka laga soo tabiyo gudaha wadanka.
Taliyaha guud ee ciidamada booliska Hillary Mutyambai ayaa dhankiisa shilalka badankoodu u aaneeyay mas’uuliyad darrada wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka.
Waxaa uu ku taliyay in si dhow loola shaqeeya ciidamada iskudhafka ah ee loo xilsaaray howlgallada taraafikada.
Mr. Mutyambai ayaa dhanka kale amray in waddooyinka laga saaro baabuurta aan tayo ahaan wanaagsanayn.
Sidoo kale waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa shacabka socdo hareeraha waddooyinka ama gudbaya ku boorrisay inay taxaddar muujiyaan.